U bood dhigaalka

Itoobiya Oo Maanta Bilaabeysa Soo-saarista Gaas-ka Dabiiciga Ah Ee Dhulka Soomaalida

Sheeko:Dalka

Dalka Itoobiya ayaa sheegay in maanta oo khamiis ah uu bilaabayo soo-saarista Gaas-ka dabiiciga ah ee ku jira deegaan Soomaalida ay degto ee dalkaasi.

Qoraal arrintan laga soo saaray waxaa lagu sheegay in ribixa ama faa’idada laga helayo uu dhaafayo 1 billion dollar.

Sida ay sheegtay wasaaradda Macdanka iyo Petroolka ee dalka Itoobiya, keyda gaaska ee ku jira dhulka Soomaalida Itoobiya waxaa lagu qiyaasay lix-siddeed billion cubic feet, tayadoodana aad u sareyso.

Wararka waxaa ay intaasi ku darayaan in daaweynta qarashka ku baxaya xagga gudaha oo xooggan darteed, heshiis lala galay shirkad Shiinees ah, shirkadda Poly-GCL waxaa ay tubooyinka gaaska geyn-doontaa ilaa Djibouti.

Lacagta laga helayo gaaska laga soo saarayo dhulka Soomaalida Itoobiya ayaa la sheegayaa inuu siyaadi doono sanadaha soo socda, mar haddii keyda uu aad u badan yahay.

Gaaskan la helay keliya lama dhoofin-doono ee waxaa kale oo loo isticmaali-doonaa in ay isticmaalaan warshaha gudaha.

Gaaskan dabiiciga ah ee la helay waxaa ay qeyb ka tahay kor u qaadista dhaqaalaha dalka Itoobiya kaas oo hadda ku jira dalalka ugu dhaqaale kororka badan qaaradda Afrika.

World Bank waxaa uu qoraal ku soo saaray in Itoobiya oo wax soo saarka gudaha hadda GDP-ga ka yahay 1.5%  in 2025-ka gaari-doonno ilaa 10%.

Warar kale ayaa sheegaya in Gaaska dabiiciga ah aanu ku koobnen  dhulka Soomaalida ee ay jiraan shirkado ka raadinaya Rift Valley, Gambella, Cafar iyo gobollada Amxaaro.

Goobjoog News