Itoobiya Oo Marti-gelineysa Shirka Dhaqaalaha Dunida

Shir ku dhex maray Davos ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo aasaasaha madasha dhaqaalaha adduunka Professor Klaus Schwab  ayaa la isku afgartay in Adis Ababa ay marti-geliso shirka dhaqaalaha adduunka ee 2020.

Sanadkii tagay ayey Itoobiya codsatay mari-gelinta shirka, laakin waxaa muuqato in sanadkan la aqbalay.

Jawaabta ayaa timid kadib markii ay kulmeen Abiy  iyo Klaus Schwab, waxaa ay sidoo kale labada nin ka wada hadleen arrimo khuseeyo dhaqaalaha, ganacsiga, shirkadaha gaarka ah, bulshada rayidka ah iyo isbadallada ka dhacaya caalamka.

Itoobiya ayaa waxaa ay ka mid tahay dalalka uu aad u sareeyo kobacooda dhaqaalaha, waxa ayna marti-gelin-doontaa 2020-ka.

Goobjoog New

Related Articles

17 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW