U bood dhigaalka

Itoobiya Uu Ka Dhacayo  Shirkii Ugu Horreeyay Oo Ku Saabsan La Dagaalanka Argigixisada

Sheeko:Dalka

Dalka Itoobiya waxaa ka furmay shirkii ugu horreeyay oo ku saabsan waxa loogu yeero la dagaalanka argigixisada, shirkani ayaa waxaa soo agaasimay golaha sare ee arrimaha Islaamka ee dalka Itoobiya, waxaa uu ka dhacayaa magaalada Adaama ee gobolka Oromada ee bartamaha dalkaasi.

Shirka ayaa waxaa  loogu magac daray la dagaalanka argigixisada, waxaana ka qeyb gali doona in ka badan 550 oo qof, dadka ka qeyb galaya waxaa ku jira madaxa golaha sare ee arrimaha Islaamka ee dalka Itoobiya Maxamed Amiin Jamaal iyo xoghayihiisa guud.

Sidoo kale shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya tiro badan oo mas’uuliyiin ah kuwaas oo ka tirsan maamulka Oromada ee dalkaasi Itoobiya ku nool .

Ajandaha shirkaan ayaa waxa uu yahay in lala dagaalamo waxa ay ugu yeereen argigixisada iyo in laga qeyb qaato xoojinta deganaashaha horumarka dalka Itoobiya.

Goobjoog News