U bood dhigaalka

Itoobiya: Sheegashada Falaagada Ee Ka Bixitaanka Canfarta Taasi Run Ma Ahan Ciidamadeenna Ayaa Ka Saaray

Sheeko:Amniga

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ciidamada difaacada Tigrayga dagaal looga soo saaray gobalka ay dagaan Canfarta.

War ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya ayaa lagu sheegay in ciidamada Tigrayga jab xooggan la gaarsiiyay kadib markii ay weerar ku soo qaadeen deegaanada Canfarta.

Afhayeenka Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Billene Seyoum ayaa shir jara’id oo ay qabatay ku sheegtay in ka bixitaanka ay sheegatay Jabhadda in ay isaga baxeen dhulka Canfarta uu yahay mid been ah.

“Sheegashada Falaagada ee ka bixitaanka Canfarta taasi run ma ahan ciidamadeenna ayaa ka saaray dhulka jab xooggan ayaana la gaarsiiyay” ayeey tiri Billene Seyoum.

Afhayeenka Abiy ayaa sidoo kale waxa intaas ku sii dartay in Ciidamada Canfarta iyo kuwa Xukuumadda oo iskaashanayo ay jab gaarsiiyeen Tigrayga iyadoo tiri “Ciidamada Canfarta iyo kuwa qaranka oo iskaashanaya ayaa isbuucyadii la soo dhaafay khasaaro weyn gaarsiiyay Falaagada”.

Goobjoog News