U bood dhigaalka

Jaaliya Soomaaliyeed ee Magaalada Goteborg Oo Hambalyo U Soo Diray Wasiir Xamsa Saciid Xamsa

Sheeko:Cayaaraha

Jaaliya Soomaaliyeed Magaalada Goteborg ee dalka Sweden ayaa hambalyo iyo bogaadin u soo diray Wasiirka Ciyaaraha iyo dhalinyarada Soomaaliya mudan Xamsa Saciid Xamsa,iyagoo madaxda Dolwadda ugu mahad celiyay doorashada ay Wasiir Xamsa ugu magacaabeen Wasaarada Ciyaaraha.

Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay ciyaartooydii hore Soomaaliya,bahda ciyaaraha degan Magaalada Goteborg ee dalka Sweden iyo bulshada qeybahada kala duwan,wuxuuna u jeedka ahaa in loo hambalyeeyo Wasiir Xamsa kaalinta uu ka geystay horomarinta iyo is dhaxgalka bulshada Soomaaliyeed ee dagan magaalooyinka kala duwan ee Sweden.

“Waad mahadsantihiin reer Sweden waan idinkaga guoomay hambalyadeena,waxaan idin rajanayaa guul iyo horomar Wasaarada Ciyaaraha waxa ay diyaar u tahay soo dhaweynta bahda isboortiga meel walbo ay joogaan,yoolkeena waa in aan u hiilinaa Ciyaaraha Wadankeena” ayuu Wasiir Xamsa Saciid Xamsa u sheegay jaaliyada Soomaaliyeed ee Sweden.

Aadan Maxamed Ibaarim (Aadan Oor) oo ka mid ahaa laacibiintii hore Soomaaliya kana mid ahaa mas’uuliyeentii soo qaban qaabiyay kulankan ayaa u mahad celiyay dadkii soo ajiibay,wuxuuna intaa ku daray reer Sweden in ay garab taaganyihiin Wasiir Xamsa iyo Wasaarada Ciyaaraha iyo dhalinyarada.

“Waan u hamabalyaynaa Wasiir Xamsa waxaan aheyn saaxiibo waqti wanaagsan soo qaatay,runtii aad baan ugu farxay markii loo magaacay Wasaarada Ciyaaraha dalka,sidoo kale jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Sweden way garab taagantahay Wasiir Xamsa iyo Wasaarada Ciyaarada Soomaaliya” waxaa sidaas Goobjoog Sports u sheegay Aadan Maxamed Ibraahim  oo ka mid ah ciyaartooydii dalka.

Si kastaba bahda isboortiga Siomaaliyeed ee kala joogta gudaha dalka iyo dibada ayaa kalsooni weyn ka muujiyay magaacibista Wasiir Xamsa ee Wasaarada Ciyaaraha waxayna tani horomar u tahay Soomaaliya,Maadam Wasiir Xamsa Saciid Xamsa oo horay ugu soo dheelay Xulka Qaranka.

Maxamed Xuseen Qalinle