U bood dhigaalka

Jaaliyadda Soomaaliyeed Ee Maraykanka Oo Su’aallo Weydiiyey Wasiir Cawad

Sheeko:Dalka

Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee dawladda Federaalka Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad oo maalmahan ku sugnaa magaalada Minneapolis Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa kulan la qaatay  qaar ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ,qaybaheeda kala duwan & Madaxda Gobolka Minnesota,.

Wasiir Cawad ayaa ka war-bixiyey xaaladda dalka iyo guulaha laga gaaray arrimaha Siyaasadda,Ganacsiga iyo xariirka caalamiga ah.

Kullankaan oo ay iskaashadeen hay’adda Global Minnesota oo ah Hay’ad ay kullansadeen ganacsatada Gobolka & Jaamacadda Augosburg ayaa waxaa wasiirka Su’aalo  laga waydiiyey Xaaladda dalka,isagoo jawaabo waafi ah ka siiyey dadkii goobta ku sugnaa.

Ugu danbayntii wasiirka ayaa Xusay doorka ay jaaliyadda Soomaaliyeed ku leedahay dib-u-dhiska Soomaliya,kulana dar-daarmay in ay tallo,Toosin & tabarucaadba uga qayb-qaataan kalin mug & miisaan ba leh.