U bood dhigaalka

Jaamacadda Carabta Oo Safiir Cusub U soo Magacawday Soomaaliya, Waa Kuma?

Sheeko:Dalka

Urur-ka Jaamacadda Carabta ayaa safiir cusub u soo magacaabay arrimaha Soomaaiya Amb. Hamoud Samaran Al Jowhary Al Huwaidi, isaga oo  madax ka noqon doona xafiiska Jaamacadda ee Muqdisho.

Mr. Xamuud waxaa uu warqadihiisa sabtidii hor dhigay wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, waxaana lagu wadaa in uu dhawaan hortago madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdyllahi Farmaajo.

Ururka Jaamacadda Carabta oo xaruntiisa tahay Qaahira waxaa uu ka mid yahay ururada caalamiga ah ee xubinta ka nahay, waxaan ku biinray 1974-tii.

Waa Kuma Safiirka Cusub:

Xamuud Bin Samraan waxaa uu ku dhashay Riyadh 1383 H, isaga oo kuliyadda qanuunka ka bartay Jaamacadda Boqor Sacuud.

Waxaa Xamuud uu shahaadooyin badan ka  heystaa diblomaasiyadda, qanuunka dowliga ah iyo xallinta khilaafaadka.

Waxaa uu ka soo shaqeeyay safaarado badan oo Sacuudiga ku leeyahay caalamka, waxaa dhawaan loo dalacsiiyay safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya.

Goobjoog News