U bood dhigaalka

Jaamacadda Carabta: Go’aanka Trump Gobolka Ayuu Sii Hurinayaa

Sheeko:Dalka

Ururka jaamacadda Carabta ayaa ku booriyay Mareykanka in dib u eegis lagu sameeyo go’aankii madaxweynaha Mareykanka Trump ee ahaa in Qudus oo u aqoonsaday magaalo madaxda maamulka Israel.

Wasiirada arrimaha dibadda ee ururka Jaamacadda Carabta ayaa waxay ka digeen tallaabo kasta oo keeni karta in gobolka ay ka huraan xad-gudubyo.

War-saxaafadeed ay si wada jir ah ay u soo saareen ka dib kulan degdeg ah oo ay qabteen wasiirada arrimaha dibadda ee ururka jaamacadda carabta kana dhacay magaalada Qaahira ayna ka soo qeybgaleen dhammaan xubnaha ururka ayaa waxay ku tilmaameen go’aankii Trump inuu ahaa mid halis ku ah kuna tumanayo sharciga caalamiga ah.

Ahmed Abuu Gheit oo ah xoghayaha ururka Jaamacadda Carabta ayaa ugu baaqay bulshada Caalamka in ay diidaan go’aanka Trump ee ku saabsan arrinta Qudus, sidoo kale waxaa uu dunida uu ugu baaqay inay aqoonsadaan dowladda Falastiin.

Goobjoog News