U bood dhigaalka

Jaamacadda Carabta oo Abaarta Soomaaliya Ka Shireyso

Sheeko:Amniga

Ururka jaamacadda carabta ayaa lagu wadaa in maanta ay kulan ay ka yeeshaan xaaladda abaaraha ee sii kordhaya ee ka jira Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo ah ergayga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud u qaabilsan arrimaha gurmadka abaaraha, oo la kulmay mas’uuliyiinta ururka jaamacadda carabta ayaa ka warbixiyay xaaladda abaaraha Soomaaliya.

“Waxaan maanta dhanbaal qoraal ah oo Madaxweynaha ka siday u gudbiyey Xoghayaha Guud ee Jaamacada Carabta Axmad Abul Qayd. Dhanbaalka ayaa ku saabsanaa gurmadka abaaraha iyo kaalinta dalalka Carbeed ee xubnaha ka ah Jaamacada. Waxaan kaloo kulanay wasiirka arrimaha Debeda Kuwayt, Aljeeriya, wasiir ku xigeenka arrimaha debada ee Masar, safiiro iyo wakiilo Carbeed oo aan ka codsanay in ay gurmadka abaaraha wax nooga taraan” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo ah ergayga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya ..
Ururka Jaamacadda Carabta oo ay Soomaaliya qayb ka tahay ayaa kamid ah ururada sida wayn u taageera dowladda Soomaaliya.
Sikastaba waxaa muddooyinkii la soo dhaafay aad u kordhay dadka aysaameysay abaarta ku dhufatay koonfurta, bartamaha iyo waqooyiga Soomaaliya.