U bood dhigaalka

Jaamacadda Magaalada Qardho Oo Furmaysa Iyo Qaxootigii Deganaa Oo Hoy La’aan Noqonaya (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Wax ka yar laba todobaad ayaa ka harsan maalinta ay furmeyso waxbarashada jaamacadda Bariga Afrika ee magaalada qardho, arrintaasina waxay mushkilad xoogan ku noqoneysaa ku dhawaad boqol qoys oo qaxooti Yemeniyiina ah.

Sababtu waxay tahay dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay ayaa si kumeel gaar ah uu dhismaha jaamacadda deegaan ugu ahaa qoysaskaasi oo kasoo cararay dagaallada ka jira wadanka Yemen isla markaana usoo magangalyo doontay wadankan soomaaliya.

Horjooge ka tirsan dadka qaxootiga gacanta ku haya oo la hadlay Goobjoog ayaa sheegay in dadka aan ilaa iyo hadda weli loo sameynin wax qorshe ah oo dib u dejin loogu sameynayo maadaama jaamacaddu ay furmeyso 1da bisha September oo maalimo kaliya ay ka harsan yihiin.

“Wax badan bey u baahan yihiin… waxa ugu muhiimsan ee ay u baahan yihiin waxaa ka mid ah Sakan (Deegaan)… jaamacaddii bisha sagaalaad kowdeeda waa la furayaa, iyaguna halkan kuma noolaan karaan, asliyanba uguma noolaan karaan, sababtoo ah meel munaasab ku ah caa’ilaadka (Qoysaska) ma’ah… xilligu waa deg-deg, waxaan soo jeedineynaa haddii aan haatan dhismo  lagamaba gaaro’e in magaalada looga kireeyo guryo oo dadka ehlu-kheyrka ahi ay guryo magaalada uga kireeyaan si kumeel gaar ah… mustaqbalkana dhul baa magaaladu ku wareejisay oo dhulkaa loo dhiso”

Waxaa sidaasi goobjoog u sheegay C/qaadir Yaasiin Maxamed oo ka mid ah Horjoogayaasha qaxootiga Ku sugan Magaalada qardho.

Waa ku dhawaad boqol qoys oo dhamaantood Yemeniyiin iyo muwalidiin ah waxayna isugu jiraan Haween, Rag, Carruur, Dhalinyarro iyo Dad Waayeello ah.

Tirada carruurta ay da’doodu ka yar tahay 5ta sano waa 65 Carruur ah, Dhalinyarada ay da’doodu ka yar tahay 18ka sano-na waa 214 Dhalinyaro, Ayadoo Dumarkuna yihiin 215 Haween ah, inta kalena waa Rag ay da’doodu ka weyn tahay 18ka sano.

Tan iyo bilowgii colaada Yaman bishii Maarso ee sanadkan, ku dhowaad 19,000 oo qof ayaa ammaankooda dartiis uga soo Cararay deegaanadooda iyaga oo usoo baxsaday  xeebaha Soomaaliya.

Inta badan dadka yimid soomaaliya waxay joogaan Deegaanada Maamulka Puntland iyo koonfurta soomaaliya sida ay soo bandhigtay hey’adda ICRC oo kaashaneysa Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS).

W/D: Aweys Xaaji Nuur (Aweys Aar).
Sawir-qaade: Maxamed Salaad Cismaan

IMG_5705 IMG_5706 IMG_5715 IMG_5738 IMG_5744 IMG_5763 IMG_5775 IMG_5786 IMG_5790 IMG_5804 IMG_5809 IMG_5810 IMG_5812 IMG_5813 IMG_5816 IMG_5817