U bood dhigaalka

Jaamacadda SIU oo soo bandhigtay shan meyd oo ardayda wax ku baran doonaan

Sheeko:Caafimaadka
Midig: Prof Yaxye oo tusaya wasiirada tacliinta iyo War faafinta meydadka laga keenay Kenya
Midig: Prof Yaxye oo tusaya wasiirada tacliinta iyo War faafinta meydadka laga keenay Kenya.

Munaasabad xariga looga jaray shey-baar caalami ah oo ay dalka keentay jaamacadda caalamiga ah ee Soomaaliya ee SIU ayaa maanta ka dhacday xarunta jaamacadda ay ku leedahay magaalada Muqdisho.

Ka qayb galayaal u badnaa ardayda caafimaadka, wasiirro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya, gudoomiyaal jaamacdeed iyo marti sharaf kale ayaa dhamaantood waxa ay mid mid u dul istaageen shanta meyd oo dhowaan maamulka Jaamacadda ay ugu deeqday jaamacadda Kenyatta University oo bah-wadaag ay yihiin.

Guddoomiyaha Jaamacada SIU Prof. Yaxye Cali Ibraahim oo faahfaahin ka bixiyay qaabkii ay ku timid in magaalada Muqdisho ay keenaan maydkan ayaa ku tilmaamay ujeedka in uu yahay si loo hale tacliin sareysa oo soo saarto dad karti u leh waxa ay qabanayaan.

Wasiirka hidaha iyo tacliinta sare xukuumadda Federaalka Soomaaliya Ducaale Aadan Maxamed oo xariga ka jiray shey-baarkan caalamiga ah ayuu ku bogaadiyay dadaalka jaamacadda SIU, waxa uuna ugu baaqay dadaal in ay la yimaadaan jaamacadaha kale si himiladu u noqoto mid caalami ah, tacliinta adduunkana ay kaalin kaga noqoto Soomaaliya .

Gudoomiyaha Jaamacadda SIMAD Cabdiraxmaan Odawaa ayaa isna sheegay in dadka Soomaaliyeed qaarkood ay liqi la’aayeen kulliyadaha caafimaadka ee dalka iyaga oo dhaliilsanaa agabkii waxbarasho oo dhamaysnayn, balse taasi ay maanta meesha ka saareen maaulka Jaamacadda caalamiga ah ee Soomaaliya (SIU)

Qaar ka mid ah culimada diinta Islaamka ku xeerldheer oo munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in shareecada islaamku ay ogoshahay in cilmiga caafimaadka lagu baran karo maydadka.

Waa markii ugu horeysay oo Soomaaliya laga hir geliyo sheybaar noocan oo kale.

W/D: Cabdulqaadir Ok