U bood dhigaalka

Jabaan oo 37 Milyan Dollar oo Ammaanka wax Looga Qabanayo Ugu Deeqay Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Dowladda Japan  ayaa dhaqaale gaaraya 37 milyan ugu yaboohday Dowladda Federaalka Soomaaliya si wax loogu qabto arrimaha Ammaanka Dalka.

Warkan ayaa yimid markii  Madaxda Dalkaas hadal ay ka jeediyeen Kulanka Midowga Africa ee Adis Ababa  oo galay maalintii labaad  isla markaana ay ka qayb galayaan Madaxda Inta badan qaarada Africa

Shirka Midowga Afrika ayaa  galay Maalintii labaad waxaana Madaxwaynaha Dowladda oo halkaas ku sugan kulamo kala  duwan la qaatay , madaxda ka qayb galaysa Shirka.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon , oo isna kulanka khudbad ka jeediyay ayaa soo dhoweeyay doorka ciidamada AMISOM ee nabad ka aslaaxinta Soomaaliya iyo sida ay waddanka uga taageerayaan sidii doorashooyin dimoqraadi ah oo nabadeed uga dhici lahaayeen.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Zimbabwe, Robert Gabriel Mugabe, ayaa isna xilkii guddoomiyenimada Midowga Afrika ee sannadkan ku wareejiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Chad,Idriss Déby Itno.

Goobjoog News