U bood dhigaalka

Jabriil Xasan Fariid “Waan Ku Faraxsanahay Ku Soo Laabashada Heegan”

Sheeko:Cayaaraha

Kabtankii hore kooxda Heegan Jabriil Xasan Fariid ayaa dib ugu laabtay kooxdiiisa sida lagu shaaciyay boga naadiga Heegan, wuxuuna laacib Jabriil  Xasan Fariid sanadihii la soo dhaafay ka mid ahaa naadiga Raadsan, wuxuun Jabriil sheegay in uu ku faraxsanyahay ku soo laabashada kooxdiisa hore ee Heegan oo marar badan kula guulystay tartamada gudaha.

“Waan ku faraxsanahay in aan ku soo laabto gurigayga, waxaan rajaynayaa in aan Heegan ku biiriyo waxbqad wangaasan sanadaha soo aadan ” ayuu Goobjoog Sports u sheegay kabtankii hore kooxda kubbadda cagta Heegan Jabriil Xasan Fariid oo sidoo kale ah Guddoomiyaha Isboortiga Degmada Howl-Wadaag ee Gobolka Banaadir.

Maamulka, Macallimiinta iyo taageerayaasha kooxda Heegan ayaa iyagana soo dhaweeyay dib u soo laabashada kabtankoodii hore Jabriil Xasan Fariid, iyagoo qiray in uu soo laabtay mid ka mid xidigihii ugu wanaagsanaa ee soo mara naadiga ciidanka booliska Soomaaliyeed Heegan.

“Dib u soo laabashada kooxda Heegan waa guul weyn oo u soo hooyatay taageerayaasha iyo macallimiinta Heegan, waxaan kabtan Jabriil Xasan ka rajaynayaa in uu la yimaado waxqabad wanaagan” ayuu Goobjoog Sports u sheegay tabaabraha kooxda kubbadda cagta Heegan Cabdiwali Maxamed Maxamuud (Cabdi Joon).

Sidoo Kale Aqriso Warar Ku Saabsan SOMFA

https://wordpress-884379-3065991.cloudwaysapps.com/guddoomiye-mursal-soo-dhawoow-macallin-cabdi-joon/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle