U bood dhigaalka

Jabuuti oo ciidamo hor leh u soo direysa Soomaaliya

Sheeko:Dalka
Sawir hore: Ciidamo ka yimid Jabuuti oo ka soo dagaya garoonka Aadan Cadde, Muqdisho
Sawir hore: Ciidamo ka yimid Jabuuti oo ka soo dagaya garoonka Aadan Cadde, Muqdisho

Dowladda Jabuuti ayaa ku dhawaaqday in ay kordhin doonto ka qayb qaadashadeeda howl galka nabad ilaalinta midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) oo ay ciidamo garaaya 950 askari ku soo kordhin doonto howl galka bilaha soo socda.

Wasiirka arimaha dibadda ee Jabuuti Maxamuud Cali Yousef oo wareysi siiyay shabakada Bloomberg News waxa uu tilmaamay in ay u baahanyiin xoojinta ciidamada ka qayb qaadanaya howl galka inta lagu guda jiro todobaadyada soo aadan.

Wasiirka ayaa sheegay in ay soo diri doonaan 450 askari oo ka haray 500 oo ay hore u ballan qaadeen , ciidamada dowladda Jibouti ee ka qayb qaadanaya howlgalka AMISOM, waxaana lagu qiyaasay ilaa iyo 1000 askari.

Yuusuf ayaa carabka ku adkeeyay in dalkiisu uu u diyaar garoobay xoojinta ammaanka iyo xasiloonida kadib qaraxii ismiidaaminta ahaa ee lala beegsaday maqaayad ku taalla caasimadda dabayaaqadii bishii May ee sanadkani.

W/D: Cabdiraxmaan Daahir Guutaale Maaliki