U bood dhigaalka

Jabuuti oo Sheegtay in 7-Bil Ka Hor Ay Dhiibtay Lacagtii Gurmardka Baladweyne

Sheeko:Amniga

Guddiga Gurmadka Fatahaadihii ka dhacay magaalada Beleweyne ayaa 7-dii bishan laanta Afka Soomaaliga ee VOA u sheegay in lacag gaareysa $600,000 oo ay dowladdu Jabuuti ugu deeqday dadka ay fatahaaduhu saameeyeen aanay iyagu soo gaarin intii ay wadeen  u gurmashada dadka ku nool magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan.

Dowladda Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa xaqiijisay in lacagtaasi ay 7 bilood ka hor ku wareejisay wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta musoobooyinka dowladda federaalka Soomaaliya, hase yeeshee madaxweynaha dowlad goboleedka  Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa maalintii  shalay sheegay in lacagtaas lasoo gaarsiiyey shalay.

Danjiraha Jamhuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Aadan Xasan Aadan (Belello) oo wareysi siinayey VOA-da ayaa xusay in iyagu aanay faraha la galeynin maamulka gudaha Soomaaliya, iyo sidii kaalmadaasi loo maareynayay  Safiirka dowladda Jabuutti ayaa sheegay in lacagta iyaga dhankooda ay ka soo wareegtay sanadkii 2019-ka.

“Madaxweyne  Ismaaciil Cumar Geelle oo mar kasta ay dhibaato dhacdo ahaa midka ugu horeeyo waa kii kol hore soo diray dhowr diyaaradood qalab caafimaad iyo cuntada nafaqada leh ay ka mid ahaayeen iyo Jeeg lacag oo $600,000 ah waa tii loo soo diray markii fatahaduhu ka dhaceen Baledweyne 2019-kii, lacagtaasi waxaa ay qeyb ka aheyd gurmadkaas loo fidinaayey dadkii ku dhibaatooday fatahadihii labo dowlad goboleed ayaa ugu darnaa sidaan xasuusto Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed oo intaba ay dhibaatooyin ay ka dhaceen ayey aheyd” ayuu safiirku.

Safiirka dowladda Jabuutti oo hadalkiisa siiwato ayaa sheegay in maamulka lacagtaas 2019-kii lagu wareejiyey guddigii  dowladda federaalka ay u magacowday gurmadka qaran oo uu hoggaaminaayey wasiirka wasaaradda Garraarka iyo Musiibooyinka Xamse Siciid Xamse isaga oo intaas ku daray in maamulka looga dambeeyey DFS.

“Qorshaha iyo arrimaha farsamada ahba  dowladda Soomaaliyeed ama ha noqoto dowladda federaalka ama dowlad goboleedyada ha noqoto, lakiin shacabka reer Jabuutti wixii ay ugu soo gurmadeen walaalahooda waxaa waajib ka saaran yahay in ay u dhibaan dowladdii dhexe, guddigii dowladda Soomaaliya ay u magacowday gurmadka qaran oo uu hoggaaminayey wasiirkii wasaaradda Gargaarka iyo Musiibooyika Xamse uu hoggaaminayey ayaan annagu gacanta kaga ridnay waadna ogtahay sida uu waajibku yahay waa sidaas” ayuu yiri Safiirka dalka Jabuutti.

Safiirka Jamhuuiyadda Jabuutti ayaa carabka ku dhuftay in iyaga dhankooda ay guteen waajibkii ka saarnaa ka qeyb qaadashada gurmadka loo sameynayo dadka ay saameen fataahadaha isaga oo ugu baaqay in laga wada qeyb qaato sidiii loogu gurman lahaa fatahaadaha ka  dhacay meelo badan oo dalka ah waxaana uu yiri isaga oo  ka hadkayo.

” Gargaarkaas wuu naga soo tagay umadda Soomaaliyeedna hoggaankeedii ayaan u dhiibnay annaga xageena inaan waajibkaas umadda Jubuutti ay gudatay kuwa soo socdana uu xil naga saaran yahay oo walaalaheenna aan u gurman doono kan maanta jooga iyo kii yimaado kuwii isku gurmado aan nahay waxaan rajaynaynaa masiibada maanta taagan ee cusub umadda  Soomaaliyeed ee ganacsatada ah shicibka iyo culimada ay gurmato hey’adaha caalamka iyo kuwa goobolka waa inaan u gurmanaa umaddaas Soomaaliyeed ilaa ay cagaheeda auy isku taageyso.

Hadalka ka soo yeeray Danjiraha Jamhuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Aadan Xasan Aadan (Belello) ayaa waxaa uu ku soo aadayaa iyadoo madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle uu sheegay in sanadkii hore lacagtii loogu talo galay fatahaadii Baladweyne aan la gaarsiin isaga oo sheegay in lacagtaas sanadkaan ay timid.

Goobjoog News