U bood dhigaalka

Jadwalka Doorashada Aqalka Sare Ee Hirshabeelle Oo La Shaaciyay

Sheeko:Amniga

Guddiga hirgelinta doorashooyinka dowlad gobaleedka Hirshabeelle ayaa shaaciyay Jadwalka  doorashada Aqalka sare.

Madaxweynaha Dowlad gobaleedka Hirshabeelle ayaa maanta soo saaray liiska Musharixiinta Aqalka Sare.

Jadwalka guddiga ay shaaciyeen ayaa lagu sheegay in Beri oo khamiis ah iyo sabtida la qaban doono diiwaan gelinta musharixiinta.

Axadda soo socota ayaa guddiga uu sheegay in la dhageysan doono khudbadaha Musharixiinta.

Isniinta iyo Arbacada ayaa loo kala qorsheyay in ay dhacaan doorashada Aqalka sare.