U bood dhigaalka

Jadwalka Doorashada Aqalka Sare Jubbaland Oo La Shaaciyay

Sheeko:Amniga

Guddiga doorashooyinka dowlad gobaleedka Jubbaland ayaa shaaciyay jadwalka doorashada kuraasta Aqalka sare ee Jubbaland.

Siyaad Maxamed Mursal oo ah guddoomiyaha guddiga hirgelinta doorashooyinka dadban ee dowlad gobaleedka Jubbaland ayaa sheegay in maalinta khamiista  ah ee soo aaddan la dooran doono afarta kursi ee uu xalay soo saaray liiska musharixiintooda madaxweynaha Jubbaland.

“Doorashada afarta kursi ee ka dhineyd kuraasta aqalka sare ee deegaan doorashadoodu tahay Jubbaland waxaa la qabanaya 21 October oo ku beegan maalinta khamiista”, ayuu yiri Siyaad Maxamed Mursal oo ah guddoomiyaha guddiga hirgelinta doorashooyinka dadban ee dowlad gobaleedka Jubbaland.

Maanta oo talaada ah iyo arbacada ayaa lagu wada in ay qabsoonto diiwaan gelinta musharixiinta kuraasta ku tartameysa.

Maamulka Jubbaland ayaa noqonaya maamulki afaraad ee soo dhameystira kuraastiisa aqalka sare, kadib maamulka Puntland, Koonfur galbeed iyo Hirshabeelle.

Goobjoog News