U bood dhigaalka

Jadwalka Doorashada Dadban Ee Soomaaliya Oo Markii 3-aad Fashilmay

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta fashilmay doorashada lagu ballan sanaa ee guddoonka labada aqal, arrintaas oo mugdi-gelisay in Soomaaliya ay madaxweyne yeelato November 30-keeda.

Guddiga doorashada dadban ee federaalka ah oo la hadlay Goobjoog News waxaa ay sheegayaan in hadda ay muhiimadda saarayaan in la dhameystiro doorashada aqalka hoose, guddiga waxaa ay ka gaabsadeen dib u dhaca doorashada iyo sida madaxweyne lagu dooran karo todobaad gudahiisa?

Dhinaca kale, doorashada Xildhibaannada ayaa sida caadiga ah uga socotay magaalooyinka Kismaayo, Jowhar iyo Garoowe, guud ahaan  ilaa 139 Xildhibaan ayaa la doortay baarlamaanka cusub, 21 ka mid ah waa haween.

Puntland waxaa lagu doortay:

Cabdi Maxamuud Maxamed

Daa’uud Maxamed Cumar

Faysal Cabdulle Guuleed

 

Jubbaland Waxaa Lagu Doortay:

Cismaan Xaaji Cali Nuur

Isaaq Maxamed Maxamud

 

Hirshabeelle Waxaa Lagu Doortay:

Cumar Cismaan Waasuge

Cabdifitax Qaasim Maxamud

Farxiyo Muuse Cali

 

Koofur Galbeed:

Xamza Saciid Xamza

Jawaahir Cadaawe

Isaaq maxamed maxamuud

Cali Yuusuf Cusmaan

Cusmaan Xaaji Nuur