U bood dhigaalka

Jadwalka Doorashada Senatorada Aqalka Sare Somaliland Oo La Shaaciyay

Sheeko:Amniga

Guddiga hirgelinta doorashooyinka Somaliland ayaa shaaciyay Jadwalka doorashada Aqalka sare ee Somaliland.

Jadwalka ayaa lagu sheegay in shaahado bixinta iyo diiwaan gelinta musharixiinta ay dhici doobto maalmaha Khamiista iyo Sabtida ee soo aaddan.

Jadwalkan ay soo saareen guddiga ayaa sidoo kale lagu shaaciyay in maalinta Axadda ah ee todobaadka soo socda Tababar la siin doono Ergada senatorada dooraneysa halka Isniinta ay musharixiinta Aqalka sare .

Musharixiintaan oo kor u dhaafaya 20-musharax ayaa ku tartamaya 11- kursi oo Somaliland Aqalka sare ay ku leedahay.

Doorashada Kuraastaan ayaa qabsoomi doonto Maalmaga Talaadada, Arbacada iyo Khamiista ee todobaadka soo socda.

Goobjoog News