U bood dhigaalka

James Swan: 100 Kun Qof ayaa ku Qaxxay dagaalka Guriceel

Sheeko:Amniga

Ergayga xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan oo kulan dhanka fogaan aragga ah warbaahinta kula hadlaya ayaa faahfaahin ka bixiyay xalaadda Soomaaliya.

Mr Swan ayaa soo hadal qaaday ugu horeyn dagaalka ka socda magaalada Guriceel ee gobalka galgaduud taas oo uu sheegay in uu ay aad uga xun yihiin.

James Swan ayaa carabka ku dhuftay in QM ay ka walaacsan tahay waxa ka socdo guriceel, waxa uu sheegay in dagaalka uu dadbay howlihii laga qaban lahaa doorashada.

James Swan ayaa caddeeyey in dagaalka Guriceel ka socda uu saameeyey 20 kun oo guri, oo micnaheedu yahay in ay qaxeen ilaa 100 kun oo qof.

Dhanka kale Ergayga oo soo hadal qaaday arrimaha doorashooyinka ayaa ku booriyay maamulada sida ay u dardar geliyeen howlaha doorashada Aqalka sare.

Swan ayaa ugu baaqay in maamulada in la guda galo doorashada golaha shacabka baarlamaanka oo muddo iyadana dib u dhaceysay.

Xoghayaha ayaa ku amaanay maamulada dalka in ay ilaaliyeen kootada haweenka isagoo sheegay in doorashadii aqalka sare ee dhacday in 26% ay ka heleen isagoo rajeeyay in golaha shacabka ay haweenka ku yeeshaan 30%.

Ergayga xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan, ayaa sidoo kale inta kulanka uu socday soo hadal qaaday abaaraha iyo xaaladda bini’aadanimo ee ka jirto qeyba ka mid ah gobalada dalka.

James ayaa sheegaya in dad gaaraya 7.7 milyan oo soomaali ah ay wajahayaan xaalada bini’aadanimo isagoo xusay in xafiiskiisa uu horay u taageeray 2.5 milyan oo ka mid ah dadkaan.

Goobjoog News