U bood dhigaalka

James Swan oo Gaaray Dhuusamareeb

Sheeko:Amniga

Ergayga golaha ammanka ee Qaramada Midoobe u qaabilsan Soomaaliya James  Swan iyo Wafdi uu hogaaminaayo ayaa maanta  gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug iyo halkaas lagu soo dhoweeyey James.

Wefdiga uu hoggaaminayey James Swan ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa qaar kamid ah wakiiladda beesha caalamka sida; EU Nicole Miller, AU Francico Madeira, & Wakiilka IGAD Jamal Ahmed oo ku wehlinayey safarka.

Wafdiga  ayaa waxaa ay kulan gaar ah la qaateen madaxweyne Qoorqoor, waxaana looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ugu weyn tahay arrimaha doorashooyinka dalka xoojinta amniga iyo wada shaqeynta dowladda DFS iyo DG .

Goobjoog News