U bood dhigaalka

James Swan: Waa in Maslaxadda Soomaaliya laga Hormarinayo Wax Walba.. Lana Wada Hadlo

Sheeko:Amniga

James Swan oo maanta Dhuusamareeb, Galmudug gaaray ayaa sheegay inuu wada hadal dhinacyo badan la yeeshay madaxweynaha Galmudug, gaar ahaan arrimaha doorashada.

James Swan waxaa uu sheegay in uu madaxweyne Qoorqoor ugu mahadceliyey sida uu iskudayey xal u helidda muranka qorshaha doorashada isaga ku dhiirigeliyey inuu sii wado kaalintiisa dhexdhexaadinta dowladda federaalka ah iyo dowlad gobolleedyada

‘Waxaan ku celinayaa ra’yiga beesha caalamka ee ruux u ah is afgaradka iyo iskaashiga iyada oo maslaxadda Soomaaliya laga hormarinayo wax walba ayaa loo baahanyahay waqtigan si ay Soomaaliya ugu sii nagaato jidka nabadda iyo degenaanshiyaha’ ayuu intaasi raaciyey.

James Swan waxaa uu ugu dambeyntii, qeybaha Soomaalida ugu baaqay iney dadaal badan ku bixiyaan wada hadal si doorashada dalka ay waqtigeeda ugu dhacdo.

Goobjoog News