U bood dhigaalka

James Swan : Xaaladda Bini’aadanimo Ee Soomaaliya Waa Ay Ka Sii Daraysaa

Sheeko:Amniga

Ergayga gaarka ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan, oo ka qayb galay kulan golaha ammaanka qaramada midoobay ay ka yeesheen xaaladda Soomaaliya ayaa sheegay in isbaddal uu ka dhacay dalka.

Swan oo faahfaahin ka bixiyay xaaladda abaaraha, siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga ee dalka ayaa sheegay in qaramda midoobay ay marwalba diyaar u tahay la shaqaynta dowladda cusub ee dalka loo doortay.

“Dhammaan nidaamka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waa mid diyaar u ah inuu la shaqeeyo dawladda cusub si loo taageero yoolalkan la wadaago” ayuu yiri.

Ergayga gaarka ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan, oo intii uu  socday kulanka golaha ammaanka soo hadal qaaday xaaladda bini’aadanimo ee ka jirto dalka ayaa sheegay in dad fara badan ay halis ugu jiraan in ay u geeriyoodaan macluul baahsan oo ku dhufatay Soomaaliya.

“Xaaladda bini’aadantinimo ee Soomaaliya ay ka sii darayso. Dalku waxa uu wajahayaa khatar aad u weyn oo macaluul ah deegaanno ay ku nool yihiin lix bulsho haddii qiimaha cunnada uu sii kordho, gargaarka bini’aadannimadana aan la joogteyn,” ayuu sii raaciyey.