U bood dhigaalka

Janan Oo Jeelka Ku Hoyanaya iyo Jubbaland Oo Jawaab Bixineysa

Sheeko:Amniga

Ciidamada ammaanka dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa garoonka diyaarada ee  Aadan Cade, waxaa ay ku xireen wasiirka amniga ee dowlad gobaleedka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Nuur Janan.

Ciidamada ayaa wasiirka xiray xili uu la socday diyaarad ku sii-jeeday magaalada Adis Ababa ee  dalka Itoobiya, waxaan jirin wax war ah oo ka soo baxay laama ammaanka ee dowladda fderaalka oo ku aaday xarigga wasiirka amniga ee  Jubbaland.

Sidoo  kale  waraka laga helayo Kismaayo ayaa sheegaya golaha wasiirada dowlad goabaleedka Jubbaland ay hadda u fadhiyaan shir degdeg ah, kaas oo looga jawaabayo xariga dowladda federaalka ee Janan.

Dhanka kale Xirigga wasiirka ayaa imaanaya aydoo uu jiro khilaaf xoogan oo dhashay doorashadii jubbaland oo  u dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamulka Jubbaland.

Goobjoog News