U bood dhigaalka

Japan Oo Ballaarineysa Hawl-galladeeda Geeska Africa Inkastoo Burcad-Badeedda Soomaaliya Ay Hoos U Dhaceen.

Sheeko:Dalka

Burcad badeed iyo burcad badeed la’aanba Japan waxaa ka go’an inay sii waddo hawlka caalamiga ah ee lagu sugayo ammaanka Geeska Africa taasoo muhiim u ah siyaasadda ballaaran oo ay ka leedahay Africa.

Bishii hore Burcad badeed Soomaaliyeed ayaa ku guuleystay inay qabsadaan Markab laga leeyahay dalka Yemen kaasoo ay u isticmaalayeen weerarro ay u geysteen laba Markab oo kalluumeysi ah oo ay Spain leedahay, Waa hawlgalkii ugu horreeyey ee ay Burcad badeeddu ku guuleystaan tan iyo sannadkii 2017.

“Weerarrada nuucaan oo kale ah waa qaab cusub oo ay adeegsanayaan dhawaanahaan. Ma ahan qaabkii hore oo ay weerarrada u qaadi jireen marka la eego sannado ka hor.” ayaa lagu yiri war kasoo baxay dowladda Japan.

Baaritaan ay sameysay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dowladda Japan ayaa lagu sheegay in Burcad badeedda Soomaaliyeed ay hoos u dhaceen inkastoo xasillooni darrada iyo faqriga sababay dambiyadaas ay wali jiraan.