U bood dhigaalka

Jarmalka oo bixinaya Magdhawga Ciyaartooy la dilay 1972

Sheeko:Amniga

Dowladda Jarmalka ayaa ogolaatay in ay magdhaw siiso ehelada ciyaartooy lagu dilay Munich sanadkii 1972-dii, xilli ay ka qaybgalayeen ciyaarihii olombikada adduunka ee lagu qabtay dalkaas.

Ehelada ciyaartooy Israel ka soo jeedda oo ka qaybgaleysay ciyaarihii olombikada adduunka 1972 iyo dowladda jarmalka ayaa ku heshiyay in ay la bixiyo $28 milyan, taas oo ay dowladda siinayso ehelada ciyaartooyda.

Lacagaha ayaa waxaa kala bixin doono Dowladda Jarmalka oo bixin doonta $25.5 milyan, gobalka Bavaria, ayaa dhiibi doono $5 milyan oo magdhaw ah, halka maamulka magaalada Munich ay bixin doonaan $500,000 dolar oo magdhaw ah.

September 1972 ayay ahayd markii la afduubtay 11 kamid ah ciyaartooydii Israel uga qayb galeysay ciyaaraha, kuwaas oo ugu dambeyntii 24 saac kadib afduubka la dilay.

Goobjoog News