U bood dhigaalka

Jarmalka oo lacago ugu deeqay Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Dowladda Jarmalka ayaa sheegtay in ay Soomaaliya ku taageereyso €1.5 milyan si wax looga qabto xaaladda abaarta ka jirta Soomaaliya.

Lacagtaan ayay Jarmalku soo marsiinayaan hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan caafimaadka adduunka ee WHO.

Jarmalka ayaa sheegay in uu doonayo in lacagtaan la gaarsiiyo haweenka, carruurta iyo dadka baahiyaha qaba ee ku sugan gudaha Soomaaliya.

“Maalgelintan waxaa loo isticmaali doonaa in lagu bixiyo daryeelka caafimaadka carruurta iyo haweenka ku nool meelah ay adagtahay in la gaaro kuwaas oo ay saameeyeen abaartu,” ayaa lagu yiri wax ka soo baxay Jarmalka.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa ka faa’iidaysan doona kaalmadaan dadweynaha ballaaran .

Jarmalka ayaa sheegay in abaarta ka jirta Soomaaliya ay tahay mid aad u daran una baahan in si degdeg ah wax looga qabto.

“Tani waa sababta aan Soomaaliya ugu taageereyno €1.5million oo dheeri ah oo aan u sii marineyno WHO taas oo u dhiganta 10 milyan oo Yuuro,” ayuu yiri safiirka Jarmalka Sebastian Groth.

” Jarmalku waxa u taagan yahay Soomaaliya sidii ay uga caawin lahayd baahiyaheeda degdegga ah iyo sidoo kale horumarinta guud ee mustaqbalka fog ee caaafimaadka.” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.