U bood dhigaalka

Jarmalka Oo Qaxooti Soo Celinaya

Sheeko:Dalka

Dowladda Jarmalka ayaa waxay u diyaar garoobesaa sidii ay u soo celin laheyd qaar ka mid ah dadka muhaajiriinta ee kuwaas oo dalkeeda jooga.

Jarmalka ayaa muhaajiriintaan dib ugu soo celinayo dalka Gariigga, waxayna ku sababaysay arrinta soo celinta muhaajiriinta in ay buuxsameen xeryihii loogu talo galay.

Dalka Jarmalka ayaa waxaa uu soo dhaweeyay sanadkii 2015-2016 in ka badan 800 kun oo muhaajir, kuwaas oo ka soo cararay dhibaatooyinka ka taagan wadamada Afghanistaan,Ciraaq iyo Siiriya.

Dhanka kale Gariigga oo isaga laftiisa ay heysto dhaqaalo xumo ayaa waxaa uu ka cabanayaa in uusan awood u laheyn in uu la tacaamulo tirade tahriibiyaasha ah oo uga imaanaya Turkiga.

Marinka ugu weyn oo ay mari jireen muhaajiriinta ayaa waxaa uu ahaa dalka Talyaaniga, waxayna intooda badan ka imaan jireen dowladaha dhaca waqooyiga Africa, iyaga oo sii mari jiray badda cas.