U bood dhigaalka

Jawaahir Barqab “Diyaar Ayaan u Nahay In Aynu Ka Qeybqaadanno Dadaalka Lagu Xalinayo Xiisado Beeleedka Ka Jira Gobalada Dhexe” (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

JawaahirGudoomiyaha Haweenka Gobalka Banaadir Jawaahir Barqab ayaa sheegtay in ay diyaar u yihiin ka qeybqaadashada daminta xiisado beeleed ka jira deegaano badan oo ka mid ah gobalada Dhexe ee dalka.

Waxa ay sheegtay in ay dowladda Federaalka ay ka codsanayaan in ay Haweenka ka qeyb galiyaan wax walba oo lagu xalinayo xiisadaha Beeleed ee dalka ka jira, iyada oo tilmaantay in Haweenka ay ragga uga nugul yihiin in deg deg ay ku damiyaan xiisadaasi.

“Diyaar ayaan u nahay in aynu ka qeybqaadano dadaalka lagu xalinayo xiisadaha beeleed ee gobalada dhexe, anaga ayaa uga dhaw xalinta ragga marka la eego, waayo waxa dagaalamaya waa wiilasheena, waxaana leenahay Soomaalida dagaalada ha joojiyaan”

Dhinaca kale Jawaahir ayaa kusoo cel celisay baaqa ku aadan in guud ahaan la joojiyo xiisadaha salka ku haaya aanooyinka qabiil ee ka jira qaar ka mid ah gobalada dalka, iyaga oo tilmaantay in muhiim ay tahay nabadda.

Ugu dambeyn Gudoomiye Jawaahir ayaa ugu baaqday dhamaan shacabka Soomaaliyeed in ay kasoo baxaan waajibkooda oo ah in ay ka shaqeeyaan nabadda dalka iyo sidoo kale isku duubni, sidoo kale ay dhiibaan Canshuurta dalka si dowladana ay wax qabato.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News.