U bood dhigaalka

Jawaari : Golaha Shacabka Kulankooda Caadiga Ahaa Ayey yeelanayaan Sabtida

Sheeko:Dalka

Guddoomiye Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in beri oo Sabti ah in golaha shacabka uu yeelan doono kulankiisii caadiga ahaa waxaa uuna yiri.

“Aniga waxaan soo jeedinayaa Sabtida oo ah kow iyo soddonka bisha in howlaheennii caadiga ahaa aan bilaabanno, golahana uu si caadiya uu howshiisa u galo wax mooshin la yiraahdana meesha mayaaliin”.

Jawaari ayaa dhanka kale ku baaqay in la ilaaliyo dastuurka u yaallo dalka iyo xasiloonnida golaha Shacabka.

Waxaa weli jira khilaafka u dhaxeeya golaha Shacabka kaasi oo ku saabsan Mooshinka laga keenay guddoomiye Jawaari.

Goobjoog News