U bood dhigaalka

Jawaari: Mooshinka Madaxweynaha Waxaa Ku Xisaabtamaya Xukuumadda iyo guddiyada ku shaqada leh.

Sheeko:Dalka

Xildhibaanada Mooshinka oo Labo Garab u Kala Jabay iyo

Ugu horeyn waxaa madasha ka hadlay Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, isagoo sheegay in ujeedkiisu yahay in wixii fadhiga la isku afgarto u gudbiyo golaha shacabka.

Ra’isul Wasaare Cumar Cabdirashid oo dhankiisa ka hadlay ayaa ka cudur daartay shirka baaqday 7dii bisha isagoo ku dhawaaqay in wada xaajoodkii uu bilowday.

Waxaa sidoo kale meesha ka hadlay Xildhibaano ay ka mid yihiin Aden Saransoor, Xuseen Carab Ciise, Maxamud Cali Dhuux, Cali cabdi Aden, Sareedo Maxamed Cabdalla, Jamac Axmed Maxamud, Faysal Cumar Guuleed, Maxamed Sheekh Aden Hiiraale, Maxamed Xuseen Isaq Afaraalle iyo qaar kale.

Xildhibaanadan waxaa ay sheegeen in Guddoomiyaha Baarlamaanka ay ku raaceen in Mooshinka uu meesha ka baxay, isla markaana aan loo baahneyn in qaranka waqti laga cuno, Xildhibaanada ayaa soo jeediyay in arinta halkan lagu soo afjaro oo kulankan uu noqdo midka ugu dambeeya.

Ugu Dambeyntii waxaa meesha ka hadlay Xildhibaan Cabdi Barre Yusuf Jibril oo sheegay in uu u hadlayo Xildhibaano uu sheegay in ay ka badan yihiin 80 Xildhibaan oo shirka maanta ka maqnaa, isagoo ku celiyay in Mooshinka uu taagan yahay, loona baahan yahay in arintaas wada hadal laga galo.

Ugu Dambentii Jawaari ayaa soo jeediyay in Ra’isul wasaaraha iyo Guddonka sare in ay isku noqdaan isla markaana Eedayaha ku qoran Mooshinka ay dib uga wada xisaabtamaan Xukuumadda iyo guddiyada ku shaqada leh.