Jawaari: Mooshinka Waa Jiraa Ee Golaha Hala Horkeenno…Is-casilaadeyna Waa Riyo

Guddoomiyaha golaha shacabka oo goordhow shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in Mooshinkii laga keenay ee kalsooni kala noqoshada uu jiro, loona baahan yahay in golaha la horkeenno, isaga oo u mahad-celiyay golaha aqalka sare ee baarlamaanka 10aad iyo culimada Soomaaliyeed.

Mr. Jawaari oo arrintaasi ka hadlaya waxaa uu yiri “Khilaafka mooshin kalsoonida kala noqoshada waa uu dhammaaday, waa la ogolaaday in mooshinkaas uu jiro, loona baahan yahay tillaabadii habooneyd si waafaqsan heer hoosaadka, kaasi oo sheegaya in 10 beri gudhaood lagu hor-geeyo golaha shacabka oo ay u codeeyaan”

Guddoomiyaha golaha shacabka waxaa uu sidoo kale  ka codsaday guddiga joogtada ah in uu cayimmo waqtiga codka la qaadayo,

Guddoomiye Jawaari, waxaa kale oo cudsaday ciidanka uu sheegay in laanta fulinta leedahay dul-dhigay golaha shacabka laga dul-qaado, oo laga baxo qaabka maleeshiiyaadka iyo jabhadeynta.

Ugu dambeyntii, Guddoomiyaha golaha shacabka mar la weydiiyay arrinta is-casilaadda waxaa uu ku jawaabay “Sharci ayaan ku imid, dadka leh Jawaari ayaa is-casilay, waa riyoonayaan, hurdada haka toosaan, shareynta sharciga ayaa noo ballan ah”.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW