U bood dhigaalka

Jawaari Oo Maanto Kale La Doortay iyo Jadwalkii Doorashada oo Fashilmay

Sheeko:Amniga
Maanta oo kale Afar sano ka hor 11 Jannaayo 2017, kulan ay magaalada muqdisho ku yeesheen xildhibaanada Baarlamanka 10-aad ayaa loogu doortay Prof Maxamed Sh. Osmaan Jawaari Gudoomiyaha Golaha Shacabka .
254  xildhibaan oo xiligaasi goobjoog  aheyd kulanka ayaa u kala codeyay musharixiinta kala ah
1: Idiris Daqtar
2: Xildhibaan Geesey
3: Abdirashiid Mohamed Xidig  .
4; Mohamed Sh. Osman Jawari
254- xildhibaana ee kulanka soo xaadirtay ayaa waxa ay 141- ka mid ah codka ay siiyeen Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari, taas oo ka dhigtay in uu ku guuleeysto Gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamanka 10-aad .
Laba Sano kadib kadib 09-kii bishii Afaraad 2018, khilaaf siyaasadeed oo soo kala dhex galay xukuumadda Farmaajo iyo Prof Jawaari ayaa sababtay in xildhibaano abaabulan ay xil ka xayuubin ay ku sameeyaan gudoomiye Maxamed Jawaari.
Maanta Afar sano kadib dalka kama muuqato doorasho  leysla ogol yahay oo ay u dhan yihiin saamileeyda Siyaasadda , iyadoo uu dhamaatay muddo xileedka Dastuuriga ah ee Baarlamaanka Labadiisa Aqal.
Waxaana Markii Labaad fashilmay jadwalkii aysoo saareen gudiyada doorashada, kaas oo lagu xusay in 05-ta bishaan la soo gudbiyo Liisaska musharixiinta Aqalka sare , doorashada aqalka sarena ay ka bilaabato dalka 7-bishaan oo ku beegneyd maalinamada khamiista ah ee isbuuci ina dhaafay.
Guddiyo aan lagu qanacsanaeyn, Khilaafka dowladda dhexe iyo maamulada Puntland iyo Jubbaland oo aan xal laga gaarin , Murashixiinta oo Tabasha qaba iyo Arima kale oo badan ayaa isku biirsanaya doorashooyinka aan la aqoon waqtiga la qabanayo.