U bood dhigaalka

Jawaari oo Mar kale Ku Guuleystay Afhayeenka Golaha Shacabka Ee Soomaaliya

Sheeko:Dalka, War

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa mar kale loo doortay afhayeenka aqalka hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kadib doorasho maanta ka dhacday Golaha Shacabka.

Baarlamaanka federaalka ah waxaa joogey ilaa 259 Xildhibaan, codadka dhammaan waa la dhiibtey, 2 cod oo hallaabey marka laga reebo inta kale waxaa loo codeeyay sidii loogu talagalay.

Jawaari ayaa helay 141 cod oo u suurtogeliyay inuu noqdo guddoomiyaha Cusub ee Golaha Shacabka Baaralmaanka Federaalka Soomaaliya.

Cododka Sida Loo Kala Helay:

Xildhibaan Maxamed Sheekh Cusmaan jawaari: 141 cod.

Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xiddig: 97 cod.

Xildhibaan Idirs Cabdi Takar: 2 cod.

Xildhibaan Cabdifitaax Maxamed Ibrahim: 17 cod.

Cododka hallaabay: 2 cod.

Goobjoog News