U bood dhigaalka

Jawaari oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Safiirka Sweden iyo Ergeyga Xoghayaha Guud ee QM u Qaabilsan Soomaaliya Danjire Niclos Key

Sheeko:Dalka

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa xafiiskiisa si gooni gooni ah ugu qaabilay Safiirka Sweden u fadhiya Soomaaliya Mikael Lindvall iyo Ergeyga Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya Danjire Niclos Key.

Guddoomiyaha Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ugu horeyntii qaabilay safiirka Dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya Danjire Mikael Lindvall, Jawaari iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay xiriirka Soomaaliya iyo Sweden, waxaa kaloo ay ka wada hadleen dhacdadii Baarlamaanka kalsoonida kala noqdeen Ra’isul Wasaaraha.

Dhinaca kale Ergeyga Xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya Danjire Niclos Key iyo Gudoomiye Jawaari waxa ay isla soo qaadeen kulankii codeynta mooshinka kalsoonida uu Baarlamaanka kala laabtay Xukuumadda Ra’isulwasaare C/weli , Key ayaa balan qaaday in Qaramada Midoobey ay sii wadi doonto taageerada Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa uga mahad celiyey beesha caalamka taageerrada ay la garab taagan yihiin Soomaaliya iyo sidii ay u tixgeliyeen codsigiisii la xiriiray in hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya loo siiyo fursad iney arrimahooda xal ka gaaraan oo aanan lagu faragelin.

jaaari-booqasho-1 jaaari-booqasho-2