U bood dhigaalka

Jawar Maxamed oo Lagu Xiray Adis Ababa

Sheeko:Amniga

Sida ay qortay OMN, Jawar Mohamed oo u ololeeya dimoqoraadiyadda ayaa lagu xiray dalka Itoobiya.  Jawar waxaa lala xiray Bekele Gerba oo ah nin caan ka ah mucaaradka.

Labadooda waxaa laga qabtay Oromo Cultural Center ee gudaha Adis Ababa. October sanadkii hore ayey aheyd markii aad isugu dhaceen Abiy Axmed iyo Jawar oo taagerayaasha ninka dambe diideen xarig lala damacsanaa.

Xariga Jawar ayaa yimid intii uu socday dibadbax ka dhashay  dhimashada Hachalu Hundessa, oo ahaa fanaan Oroma ah, kaas oo habeen ka hor lagu dilay bartamaha caasimadda ee Addis Ababa.

Goobjoog News