U bood dhigaalka

Jeneraal Fartaag: Isbedallo Amni Iyo Mid Siyaasadeed Ayaan Ka Hirgelinnay Gedo

Sheeko:Dalka

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Jeneraal Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo safar shaqo ku joogay gobalka Gedo ku dhawaad Seddax Bil, ayaa dib ugu laabtay magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose.

Jeneraal Fataad oo saxaafadda kula hadlay magaalada Kismaayo ayaa sheegay in guud ahaan gobalka Gedo ay ka hirgeliyeen isbedallo dhanka amniga iyo siyaasadda ah.

Waxa uu sheegay in ay soo dhiseen guud ahaan maamulka guud ee gobalka Gedo iyo midka degmooyinka iyo taliyayaasha ciidamada degmooyinka Gedo.

Waxa uu tilmaamay in mudadii ay ku sugnaayeen gobalkaasi sidoo kale ay u suurta gashay in dib u heshiisiin loo sameeyo dadka wada degan gobalka Gedo, sidoo kalena ay heshiis qaataan siyaasiyiintii kasoo horjeedday maamulka Jubbaland, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dhinaca kale Jeneraal Fartaag ayaa sheegay in gobalka Gedo, degmooyin badan oo ka mid ah laga saaray xarakada Al-shabaab, islamarkaana haatan ay joogaan ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM.

Goobjoog News