U bood dhigaalka

Jeneraal Gacma Duulle Oo Ku Dhaawacmay Weerarka Hotel Saxafi Ee Muqdisho

Sheeko:Dalka

Wararkii ugu dambeeyay ee aynu ka helayno Hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho ayaa ku waramaya in halkaasi uu ku dhaawacmay Taliyahii hore ee ciidamada Lugta dowladda Soomaaliya Cali Caraaye Cosoble Gacma Dulle.

Jeneraalka ayaa ka mid ahaa dadkii deganaa Hotelka Saxafi, waxaana wararku ay sheegayaan in isaga iyo dad kale oo badan halkaasi ay ku dhaawacmeen.

Magacyada dadka kale hadii ay ku jiraan saraakiil ama mas’uuliyiin kale weli ma aynu helin.

Gudaha Hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho waxaa ka soconaya rasaas xooggan, iyadoo weli faah faahin dheeraad ah aan laga helin khasaaraha guud inta uu la egyahay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News