U bood dhigaalka

Jeneraal Galaal “Dagaallada Al-shabaab Ee Puntland Waa Kuwo Is Ballaarin Ah”

Sheeko:Dalka

Jeneraal Maxamed Nuur Galaal oo ah qabiir xagga ciidanka ah ayaa sheegay in weerarka Xarakada Al-shabaab ee deegaannada Puntland ay u muuqato mid ay ku doonayaan iney isku fidiyaan deegaanno hor leh oo dalka ah.

Waxa uu sheegay in Al-shabaab ay ka dagaallamaan goballo badan oo dalka ah, islamarkaana qorshahan ay ku weerareen Puntland laga yaabo inay arkeen dabacsanaanta xiriirka dowladda Federaalka iyo maamulka Puntland waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Waxay u xusheen inay weeraraan Puntland iyagaa og, waxay dareemayaan inay kala qeybsan yihiin dowladda dhexe iyo Puntland, laakiin waa dhibaato soo korortay in meeshaas nabadda ahayd ay dhibaato ka abuuraan, ma dhahayo Al-shabaab waa looga adkaaday gobollada Koonfurta iyo bartamaha waayo waa kuwan na qarxinaya, aniga waxaan u maleynaa in Al-shabaab ay dagaalkooda sii fidinayaan, waxaad moodaa inay la wareegeen hal abuurkii oo hadba meeshii ay doonaan ay wax ka qarxiyaan” ayuu yiri Jeneraal Galaal.

Sidoo kale Jeneraalka ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hadalkii wasiirka amniga maamulka Puntland kadib weerarkii Al-shabaab ee gobolka Nugaal, balse waxa uu aad u ammaanay madaxweynaha maamulkaasi Cabdiweli Maxamed Gaas sida uu durba ka daba tagay hadalkii wasiirkiisa amniga.

“Wasiirka Amniga Puntland si wanaagsan uma hadlin, hadal meel ka dhac ah buu ku hadlay, laakiin waxaan ku farxay ka dabatagista hadalkaasi ee madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, waxaa iyana sidoo kale farxad ah dowladda Federaalka oo iyana Kaalmo u dirtay halka dagaallada ay ka socdaan, midda kale nimankaan Shabaab ah Soomaaliya kaliya dhibaato kuma hayanaa ee mandiqadda dhan bay dhib ku hayaan, hadda in la’iska kaashado waa muhiim oo dowladda Federaalka iyo Puntland ah” ayuu hadalkiisa ku daray Jeneraal Galaal.

Jeneraalka mar aynu wax ka weydiinnay in Puntland markaan ay u baahan tahay kaalmo ciidan oo ah dowladda Federaalka, AMISOM iyo sidoo kale wadamada deriska ah ayuu sheegay in Puntland ay leedahay ciidamo ku filan, balse waxa uu hoosta ka xariiqay in dagaalkaasi yahay mid looga baahan yahay in Soomaali aanay u kala harin.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay Jeneraal Maxamed Nuur Galaal in horay uu u arkay qorshe ay lahaayeen Al-shabaab sanadkii 2008, qorshahooduna yahay inay qabsadaan dhammaan gobollada waqooyi ee dalka, gaaraan illaa dekadaha waaweyn ee Boosaaso iyo Berbera waa sida uu hadalka u dhigaye.

Ciidamo ka tirsan Xarakada Al-shabaab oo dhanka xeebaha ka galay deegaannada Puntland ayaa maalintii Shanaad waxay ka dagaallamayaan deegaanno ka tirsan gobolka Nugaal.

Goobjoog News