U bood dhigaalka

Jeneraal Indha Cadde “Ahlu-sunna Ha u Tanaasulaan Shacabka Gobalada Dhexe”

Sheeko:Dalka

Jeneraal Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in Ahlu-sunna Waljameeca ee gobalada dhexe looga baahan yahay in ay u tanaasulaan shacabka ku dhaqan gobaladaasi.

Waxa uu ugu baaqay in ay ka tanaasulaan go’aanadii ay qaateen, islamarkaana ay dowladda wada hadal la galaan, wixii ay xaqqa u leeyihiinna ay qaataan.

“Ahlu-sunna Ha u Tanaasulaan Shacabka Gobalada Dhexe, dowladda wada hadal ha la galaan, ha raadsadaan waxa ay xaqqa u leeyihiin, hadii ay waayaanna ay shacabkooda eegaan” ayuu yiri Yuusuf Indha Cadde.

Dhinaca kale Indha Cadde ayaa mar uu soo hadal qaaday arrinta ku aadan diidmada maamulka Puntland ee Galmudug ayuu sheegay in hadda muhiim ay tahay in la wada hadlo, lana dhameeyo wax walba oo jira.

Puntland ayuu sheegay in dhankeeda laga doonayo in ay xaaladda dejiso, islamarkaana ay aqbasho wada hadallada lagula jiro si loo helo Soomaali mid ah iyo deris wanaag.

Maamulka Galmudug ayaa mucaarad kala kulmay Ahlu-sunna Waljameeca, Puntland iyo maamulka Jubbland, waxaana socda dadaallo lagu doonayo in lagu soo afjaro diidmada maamulkaasi looga soo horjeedo.

Goobjoog News