U bood dhigaalka

Jeneraal Indha Cadde “Al-shabaab Waxay Doonayaan Iney Qalqal Geliyaan Doorashooyinka”

Sheeko:Dalka

Wasiiru dowlihii hore ee wasaaradda gaashaandhigga Jeneraal Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde ayaa sheegay in magaalada Muqdisho ay ka dhici karaan qataro amniga inta lagu jiro doorashooyinka.

Indha Cadde oo wareysi siiyey Goobjoog News, ayaa sheegay in dowladdu aanu dadaal ku yareyn islamarkaana uu jiro guddi loo xil saaray ka shaqeynta amniga.

Waxa uu soo jeediyay inay wanaagsan tahay in xil gaar ah ay dowladdu iska saarto amniga magaalada Muqdisho inta lagu guda jiro howlaha doorashooyinka.

Jeneraalka ayaa tilmaamay in ay dhici karto qataro ka imaan kara dhinacyada ka soo horjeeda dowladda inta ay socdaan doorashooyinka.

“Arrinta amniga waa arrin u baahan dedaal badan, culeyska ugu badanna in lageliyo ay tahay, waana waqti ay nimanka cadowga ah rabaan iney qalqal geliyaan doorashada, dowladda koley amniga qorshe ayeey ka sameysatay dedaalka dowladana ma ahan mid yar, waxaa loo baahan yahay in amniga la adkeeyo xilligaa doorashooyinka, guddi loo xilsaaray ayaaba jira, marka koley waa in dedaalka lasii xoojiyaa”

Magaalada Muqdisho waxaa la filayaa in dhowaan ay ka dhacaan doorashooyinka guddoonka Labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.

Goobjoog News