U bood dhigaalka

Jeneraal Khaliif: Ciidanka dowladda iyo shacabka gobollada wada shaqeyn ayaa dhex marta

Sheeko:Dalka
Cabdirisaaq Khaliiif Cilmi
Cabdirisaaq Khaliiif Cilmi

Abaanduulaha ciidamada xooga dalka ayaa sheegay in meel wanaagsan ay marayaan howl gallada ka socda gobolkaasi.

Jeneraal Cabdirisaaq Khaliif Cilmi oo ah abaanduulaha ciidanka dowladda ayaa sheegay in wada shaqayn wanaagsan ay dhex marayso shacabka iyo ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.

Jeneraalka ayaa tilmaamay in ay dadka deegaanada ay gaareen kulamo gaar ah la qaateen gaar ahaan qeybaha matalaya bulshada sida odayaasha, culimada iyo haweenka gobolka Hiiraan.

Waxa uu ku dhiira geliyay shacabka Soomaaliyeed in ay sii wadaan wada shaqaynta ay la leeyihiin ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa deegaano hor leh la wareegtay tan iyo markii ay bishii tagtay ku dhawaaqday howlgalka ay ugu magac dartay badwaynta Hindiya.