U bood dhigaalka

Jeneraal Qaafow “Waa La Joojiyay Dagaal Beeleedkii Shabellaha Dhexe”

Sheeko:War

Taliyaha ciidamada Xooga dalka Soomaaliya ee 12-ka April Jeneraal Maxamuud Qaafow ayaa isaga oo u waramay Goobjoog News waxa uu sheegay in la joojiyay dagaalladii dhawaan ka dhacay degmada Warsheekh ee gobalka Shabellaha Dhexe iyo deegaanno halkaasi ku dhaw.

Waxa uu sheegay Taliyaha in ciidamada xooga dalka ay kala dhex galeen beelihii ku dagaallamay degmadaasi, islamarkaana hadda la wado wada hadal iyo isku keenidda dadka dirirtu u dhaxeysay.

“Anaga waan ka xunnahay wixii dhacay, laakiinse waan ku guuleysannay in aan dagaallada joojinno, midda kale in hadda gobalka Shabellaha dhexe dagaallo ay ka dhacaan ma ahan wax loo dul aadan karo” ayuu yiri Taliyaha.

Sidoo kale Jeneraal Qaafow ayaa sheegay in aysan macquul ahayn in ciidamada xooga dalka ay ku mashquulaan kala celinta beello dagaallamay, iyaga oo la dagaallamaya Xarakada Al-shabaab.

Dhawaan ayaa dagaal u dhaxeeyay Laba beel waxa uu ka dhacay degmada Warsheekh ee Shabellaha Dhexe, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Goobjoog News