U bood dhigaalka

Jeneraal Qururux Oo Caawa Lagu Diley Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Rag ku hubeysan Bistoolado ayaa caawa waxay degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho ku dileen sarkaal ka tirsana ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Jeneraalka la diley ayaa lagu magacaabayey Cabdulle Maxamuud Qururux, wuxuuna kasoo baxay salaada cishaha, waxaana raggan ay ku dileen bannaanka kore ee hoygiisa oo ku yalla degmada Waaberi.

Raggii dilka ka dambeeyay ayaa goobtaasi isaga baxsaday, waxaana halkaa gaaray ciidamada ammaanka ee degmadaasi.

Goob joogyaal ayaa inoo xaqiijiyey in sidoo kale Jeneraalka lala diley askari isaga ilaalo u ahaa.

Allaha u naxariistee Jeneraal Qururux ayaa horey usoo noqday Taliye ku xigeenkii Saadka Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Goobjoog News