U bood dhigaalka

Jeneral Fartaag “Degmada Baardheere Waxaan u Jirsannay 60 Kilo Miter”

Sheeko:Dalka

Madaxweyne ku xigeenka Koowaad ee Jubbaland Jeneraal Cabdullaahi Ismaaciil Fartaag ayaa sheegay in ciidamada Jubbaland iyo kuwa AMISOM ay haatan bilaabeen dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ay ku doonayaan inay ku qabsadaan deegaanada Al-shabaab kaga sugan yihiin Gedo oo ay ugu horeyso degmada Baardheere.

Waxa uu sheegay Madaxweyne ku xigeenka in shacabka ku dhaqan degmada Baardheere ay Ciidda ka dul qaadi doonaan Xarakada Al-shabaab waa sida uu hadalka u dhigaye, ayna degmada u jirsadeen haatan 60 Kilo Miter .

“Ciida waxaan shacabka Baardheere ka dul qaadeynaa Al-shabaab, muddo badan ayaa gumaad lagu haystay, laakiinse warkaasi waa uu dhamaaday, Seddax jiho ayaan uga dhaqaaqnay degmada Baardheere, haddana wax ka yar 60-km ayeey inoo jirtaa” ayuu yiri Fartaag.

Sidoo kale Jeneraal Fartaag ayaa sheegay in ciidamada Jubbaland iyo kuwa AMISOM ay ku baxeen dhanka gobalka Jubada Dhexe, islamarkaana ay ku haminaayaan inay la wareegaan guud ahaan gobalkaasi.

“Sida aad ogtihiin caasimadda Jubbaland waa Bu’aale, ciidamada Jubbaland iyo kuwa AMISOM waxay ku wajahan yihiin guud ahaan degmooyinka iyo deegaanada gobalkaasi, waxaa naga go’an in kooxaha nabad diidka ah aan gacanta ku dhigno meel walba oo ay joogaan” ayuu hadalkiisa ku daray Fartaag.

Maalmihii ugu damabeeyay waxaa gobalka Gedo dhaqdhaqaaq ciidan ka waday ciidamada Jubbaland iyo kuwa AMISOM gaar ahaan ciidan ka socda dowladda Itoobiya, waxaana ay ku dhawaadeen degmada Baardheere ee gobalkaasi.

Goobjoog News