U bood dhigaalka

Jilayaasha Aan Dowliga Ahayn Oo Ka Digay In Dalka Uu Galo Qalalaase Siyaasadeed

Sheeko:Dalka

Ururada Bulshada rayidka ah ayaa ka hadlay mooshinka dhawaan laga keenay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana ay ka digeen in dalka uu galo Qalalaase Siyaasadeed.

Cabdulaahi Maxamed Shirwac oo ah gudoomiyaha Jilayaasha aan dowliga ahayn ayaa isaga oo u waramay Goobjoog News waxa uu sheegay ka bulsho ahaan inay ka xunyihiin khilaaf yimaada, balse loo baahan yahay wax walba in la xalliyo.

Waxa uu tilmaamay in dalka hadda aanu u baahneen is qabqabsi siyaasadeed oo keeni kara in laga leexdo wadadii la hiigsanayay 2016-ka.

Shirwac ayaa sheegay in shacabka aysan kusii jiri karin qodobo badan oo eedda xidhibaanada ku jiray sida musqa, qiyaano qaran, hadana loo baahan yahay in dalka aan la gelin qalalaase siyaasadeed.

“Laba arimood oo qatar ah ayaa inoo muuqda, midna lama qaadan karo, tan Koowaad ayaa ah waxyaabahaan hadda lagu eedeynayo madaxweynaha, qiyaanada qaran, musuqmaasuq, ama ku takri falka awoodda ah, arrintaasi muddo ayeey soo socotay, waxayna u muuqataa in dad Soomaaliyeed aysan diyaar u ahayn in ay xaaladaasi kusii jiraan, midda Labaad ee qatarta ah ayaa ah in qalalaase siyaasadeed uu wadanka galo uu isbedal dhaqsi ah uu dhici waayo, oo markaasi arrinta ay sii jiidanto, musuqa bato, ku takri falkana sii bato, adeeggii wadanka, dhisiddi dowladii meesha ka baxdo, rajadii la qabay in 2016-ka isbedal yimaado meesha ka baxdo” ayuu yiri Shirwac.

Ugu dambeyn Cabdullaahi Maxamed Shirwac ayaa sheegay in ay muhiim tahay in lahelo meel dhexe oo la’isugu yimaado si loo helo siyaasad deggan iyo wadanka oo qalalaase siyaasadeed gelin.

Goobjoog News