U bood dhigaalka

Jiraca malagu mirqaamaa?

Sheeko:Amniga

Tan iyo markii hoggaanka dhaqanka iyo diinta ee ciidamada Booliiska Soomaaliyeed, ay sheegeen in xawayaanka loo qayaano Jiraca uu qayb ka yahay waxyaabaha ay dadka isticmaala maandooriyaha ay adeegsadaan.

Hadaba waxaan maqaalkaan idinkula wadaageenna xayawaanka Jiraca iyo waxa ka jira in loo isticmaali karo darooga ahaan.

Maxuu yahay Jiraca?

 Xayawaanka jiraca waxa uu bah ahaan ka tirsan yahay bahda quraanjada, oo ka kooban illaa iyo afar nooc oo xayawaan ah kuwaas oo kala ah Jiraca, quraan jada nooca loo yaqaano macaan jecel, quraanjada qumbaha iyo quraanjada guriga ee carafta leh.

Jiraca ayaa sidoo kale kamid ah xayawaanada inta badan la qabsada cimilada kala duwan ee deeganada uu ku sugan yahay, isagoo u badan in la arko xilliyada uu jiro qabowga daran iyo xilliyada aadka u kulushahay cimilada.

Xayawaankaan oo sidoo kale kamid ah bahda cayayaanka ayaa ah mid xilliyada qaar waxyeello u gaysta dadaka isagoo qaniina.

Jiraca waxa sidoo kale uu ku caan yahay in uu sii deeyo sun aad u qarmuun oo si daran u urta, xilliyada qaar ee uu cadaadis kala kulmo noolaha kale, taas oo inta badan uu u adeegsado difaac ahaan.

Cayayaankaan ayaa la sheega in sunta uu sii daayo sidoo kale ay tahay mid darooga ahaan loo adeegsan karo xilliyada qaar sida ay qabaan khubarada caafimaadka.

Animal Diversity oo ah majalad ka faalloota xayaawanada ayaa sheegtay in jiraca uu yahay xayawaan noocya badan loo adeegsan karo.

Dadka inta badan maandooriyaha ahaan u isticmaala ayaa adeegsado farsamooyin ay kamid yihiin in ay dabka saaraan xayawaanka si ay u shiilaan, markaas kadibna ay sanka ka qaataan, si lamid ah sida loo qaato budooyinka maanka dooriya ee daroogada ah.

Xilliyadii dhaxe ayay inta badan saynisyahanada caalamka ay ku baraarugeen in Jiraca loo adeegsan karo maandooriye ahaan.

Dhacdadaan ayaa inta badan Soomaalida ay ku baraarugeen kadib markii howlgallo ka dhan ah burcadda dhaca u gaysta shacabka oo ay magaalada Muqdisho ka sameeyeen ciidamada dowaldda ay ku soo qabteen koox burcad ah oo isticmaasha waxyaabaha maanta badala, oo ay ku jiraan jiraca.

Jiraca ayaana door ka qaata waxyaabaha lagu mirqaamo, ee inta badan maanka aadanaha badala.

WQ/ Abdirahman Sabriye

Goobjoog News