U bood dhigaalka

Joe Biden oo Laalay Duqeymihii Drone-ka ee Soomaaliya iyo Meelo Kale oo Dunida ah

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa laalay duqeynta diyaaradaha aan cidnka wadin ama drone-ka ay ka sameeyaan goobo aanu Mareykanka dagaal uga jirin, siyaasaddan oo ka duwan madaxweynihii ka horeeyey  Donald Trump, ninka dambe ayaa ogolaaday iney Mareykanka duqeeyaan meel walba oo ay ku jirto Soomaaliya.

“Sida ku cad warbixin soo baxday, duqeyn kasta oo la xiriirta drone-ka oo ka dhan ah Islaamiyiinta ku sugan meel ka baxsan  Afghanistan, Syria iyo Iraq, waxaa in ay ogolaanshiyo ka heysataa aqalka cad’ sidaa waxaa isniintii sheegay afhayeenka Pentagon-ka John Kirby.

Arrintan ayaa loo sameeyey sida la sheegay inuu madaxweynaha la socdo tallaabo kasta oo arrimahan la xiriira.

Drone-ka Mareykanka waxaa ay fuliyeen 52 weerar 2020, 63 sanadkii 2019, 47 oo ahaa  2018, iyo 35  sanadkii 2017,

Goobjoog News