U bood dhigaalka

Joe Biden oo Qarka u Saaran Guusha Doorashada Mareykanka, Akhriso Sababta

Sheeko:Amniga

Inkasta oo ay weli socdaan tirinta codadka ee tartanka madaxtinnimada Mareykanka hadana waxaa inta la tiriyey codadka ku horeeya murshaxa dimoqoraadiga ah, madaxweyne ku xigeenkii Mareykanka Joe Biden.

Popular vote: Trump vs Biden 2020

Codadka tooska ah ee dadweynaha, waqtigii ugu dambeeyey ee jimcihii, sida ay daabacday The New York Times, labada murshax waxaa ay kala marayeen Donald Trump: 69,927,649 – 47.7% iyo Joe Biden: 74,039,941 – 50.5%, sidaana waxaa ku horeeya madaxweyne ku xigeenkii hore Biden.

Electoral votes:

Codadka dadban ee ergada, markii ugu dambeysay ee la sadaaliyo sida magaalooyinka loogu kala guuleystay, sida ay qortay The Associated Press, Electoral votes waxaa  uu Joe Biden  heystaa 264 hlaka Trump uu heysto 214, tirada mid weliba laga rabo waa 270 cod guud ahaan codadka 538.

Iyada oo ay intaasi kala marayaan ayaa waxaa dhimman tusaale ahaan Pennsylvania oo leh ilaa 20 electoral votes, keliya haddii uu Joe Biden  oo hadda ku horeeya uu ku guuleysto isaga ayaa ah madaxweyne.

Waxaa kale oo tirinta ay socotaa isla markaana uu isla Joe ku horeeyaa  Georgia, Nevada iyo Arizona, waxaana ku jira  Electoral votes  kale sida Georgia oo 16 ah, Nevada oo 6 ah iyo Arizona oo 11 Electoral votes  ah.

Wararka ugu dambeeyey ee doorashada, kala soco Goobjoog News