U bood dhigaalka

John Mahama, Ergeyga Dhexdhexaadinta oo Iska Diiday Soomaaliya

Sheeko:Amniga

Madaxweynihii hore ee dalka Ghana John Mahama ayaa iska diiday xilkii dhawaan midawga Afrika ugu soo magacabay Soomaaliya.

Mahama ayaa uga mahad celiyay Guddoomiyaha midawga Afrika Musa Faki Mohamed xilka uu u igmaday balse waxa yu sheegay in ay jirto cabasho ka timid dhinacyada kalan duwan ee isku heysto siyaasadda Soomaaliya.

John Mahama ayaa sidoo kale shegay in ay muhiim tahay si loo shaqeeyo in la helo taagera dhinacyada oo dhameys tiran, isagoo xusay in diidmada dowladda Soomaaliya ay shaki kelineyso waxa dunida ka filayo Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay u diiday Ergayga midawga Afrika u soo magacaabay Soomaaliya John Mahama, iyadoo dowladda ay ku eedeysay in uu xiriiro ganacsi la leeyahay dalka Kenya oo Soomaaliya ay xurguf kala dhaxeyso .

Midawga Musharixiinta iyo Saamileyda kale ee Soomaaliya ayaa horay u soo dhaweyay magaacabista ergayga cusub ee midawga Afrika u soo wakiishay Soomaaliya si uu u kala dhax galo dhinacyada isku heysta siyaasadda Soomaaliya .

GoobJoog News